Af-Soomaali
English
Nagu Saabsan

Ku soo dhawow Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed

Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed  xaruntiisa dhexe waxey ku taalaa Jigjiga, Deegaanka Soomaalida, waa madal firfircoon oo u heellan korinta kobaca garaadka, iskaashiga, iyo hodantinimada dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed oo hiigsanaya meela sare. Himiladeennu waa in aan awood-siino shakhsiyaadka iyo bulshooyinka anagoo adeegsanayna wadaagista aqoonta, cilmi-baarista, iyo u ololeynta caddaaladda bulshada.

Himiladeenna

Inaan dhiirrigelinno oo awood-siino aqoonyahannada iyo bulshooyinka Soomaaliyeed si ay hoggaan ugu noqdaan isbeddelka wax ku oolka ah, isla markaana kor u qaadaan dhaqanka hal-abuurnimada, sinnaanta wada shaqeynta, iyo ka mid wada ahaanshaha guud.

Hadafkeenna

Inaan u adeegno sidii xarun loogu talagalay doodaha aqooneed, cilmi-baarista, iyo hal-abuurnimada. Kor u qaadista waxbarashada, hoggaaminta, iyo dhisidda kartida awoodda shakhsiga gudaha gudaha Deegaanka iyo caalamkaba. Awood-siinta haweenka, kooxaha laga tirada badan yahay, iyo bulshooyinka la hayb-sooco. U ololeynta sinnaanta dhanka shaqo, ilaalinta dhaqanka, iyo horumarin waarta.

Qiyamka Aasaasiga ah

Aqoonta iyo Hal-abuurnimada: Kor u qaadista kobaca garaadka iyo fikradaha wax-ka-beddelka leh.

Sinnaanta shaqo iyo bulsho aan kala sarreyn: U doodista kala-duwanaanshaha iyo caddaaladda bulshada.

Midnimada iyo Iskaashiga: Xoojinta awoodda anagoo wadaageeno himilooyinka iyo dadaallada guud.

Daacadnimada iyo Mas’uuliyadda: Ku dhaqanka heerarka akhlaaqda sare iyo hufnaanta.

Ixtiraamka Dhaqanka: Ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed anagoo qaadeyno wadada horumarka.

Waxaan Qabanno
  • Qabanqaabinta madallo, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo shirar si loo dhiirrigeliyo is-dhaafsiga fikradaha aqooneed.
  • Daabacaadda cilmi-baaris, maqaalo, iyo warbixinno diiradda saaraya arrimaha muhiimka ah ee bulshada saameeya.
  • U ololeynta siyaasado kor u qaada waxbarashada, sinnaanta wada shaqo, iyo ka mid noqoshada dhammaan qaybaha bulshada si heyb-sooca uga baxo bulshada.
  • Bixinta deeqo waxbarasho, hagitaan, iyo taageero loo fidiyo dhalinyarada iyo hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.
  • Ku soo biir hadafkeenna si aan u abuurno bulsho wacyi leh, cadaalad ah, oo awood badan.

Dhisida Aqoonta Awood-siinta Bulshada Dhiirrigelinta Isbeddelka

Ku soo biir barnaamijyadeenna maanta kana mid noqo  isbeddelka cusub.

Sii akhri
Qaab-dhismeedka Ururka – Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed (SIF)

Si loo xaqiijiyo hufnaan, wada-shaqeyn, iyo hoggaamin waxtar leh, Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed waxay leedahay qaab-dhismeed urur oo cad oo isku xira waaxyaha muhiimka ah. Hoos waxaa ku qoran doorarka muhiimka ah iyo waajibaadkooda:

1. Hoggaanka Sare

1.1 Guddoomiyaha

  • Wakiilka ugu sarreeya ee madasha.
  • Hoggaamiya jihada istiraatiijiga ah ee ururka.
  • Kormeera hirgelinta qorshayaasha iyo mashaariicda muhiimka ah.

1.2 Guddoomiye Ku-xigeenka

  • Ka caawiya guddoomiyaha waajibaadka hoggaamineed.
  • Ku shaqeeya booska guddoomiyaha marka uu maqan yahay.
  • Taageera dadaallada istiraatiijiga ah ee waaweyn.

1.3 Agaasimaha Fulinta

  • Masuul ka ah maamulidda howlaha maalinlaha ah ee madasha.
  • Wada-shaqeeya madaxa waaxyaha si loo fuliyo qorshayaasha ururka.
  • Diyaariya warbixinno ku saabsan horumarka madasha una soo bandhiga hoggaanka sare.

2. Guddiga La-talinta

  • Ka kooban aqoonyahanno, culumo, iyo hoggaamiyeyaal bulshada ah.
  • Bixiya talooyin ku saabsan siyaasadaha, mashaariicda, iyo jihada istiraatiijiga ah.
  • Hubiya in madashu ku dhaqanto hadafkeeda iyo qiyamkeeda.

3. Waaxyaha Muhiimka ah iyo Doorarka

3.1 Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda

  • Maareeyaha Maaliyadda: Ka mas’uul ah maareynta miisaaniyadda, uruurinta deeqaha, iyo soo saaridda warbixinada dhaqaale.
  • Xiriiriyaha Maamulka: Hubiya hawlaha xarunta dhexe, habeynta shaqaalaha, iyo maaraynta agabka.

3.2 Waaxda Barnaamijyada iyo Mashaariicda

  • Iskuduwaha Barnaamijyada: Horumariya, hirgeliya, oo kormeera barnaamijyada ururka.
  • Masuulka Dhallinyarada: Ku shaqeeya barnaamijyada lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada, hoggaaminta, iyo hal-abuurka.
  • Masuulka Haweenka: Maamusha barnaamijyada sinnaanta shaqo iyo taageerada doorka haweenka ee hoggaamineed.
  • Hoggaamiyaha Dhaqanka: Ilaaliya oo hormariya mashaariicda lagu xafidayo dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

3.3 Waaxda Cilmi-baarista iyo Daabacaadda

  • Agaasimaha Cilmi-baarista: Maamula mashaariicda cilmi-baarista iyo daraasadaha muhiimka ah.
  • Tifaftiraha Daabacaadda: Kormeera soo saarista cilmi-baarisyo, maqaalada, iyo warbixinada.
  • Cilmi-baareyaal: Sameeya daraasado la xiriira waxbarashada, sinnaanta shaqo ee bulsho, iyo horumarkeeda.

3.4 Waaxda Xiriirka Dadweynaha iyo Isgaarsiinta

  • Maareeyaha Xiriirka Dadweynaha: Horumariya istiraatiijiyado isgaarsiineed oo xiriir la leh saxaafadda.
  • Masuulka Warbaahinta Bulshada: Maamula baraha bulshada si loo xoojiyo wacyiga bulshada iyo wada-shaqeynta.
  • Maareeyaha Website-ka: Cusbooneysiiya oo hubiya in mareegta SIF (siforum.org) ay u shaqeyso si hufan.

3.5 Waaxda Bulshada iyo U-doodista

  • Xiriiriyaha Bulshada: Abaabulka doodo, shirar, iyo ololayaasha bulshada.
  • Khabiirka U-doodista: Hoggaamiya ololeyaasha ka dhanka ah takoorista iyo lagu taageerayo sinnaanta shaqo.

3.6 Waaxda Hal-abuurka iyo Teknolojiyada

  • Iskuduwaha Teknolojiyada: Horumariya barnaamijyada ku saleysan teknoolojiyada iyo hal-abuurka cusub.
  • Khabiirka Hal-abuurka: Taageera mashaariicda dhallinyarada ee hal-abuurka iyo ganacsiyada cusub.

4. Laamaha Gobollada

  • Xarun ama laan kasta waxaa hoggaamiya Iskuduwaha Gobolka, oo si toos ah ugu warbixiya Agaasimaha Fulinta.
  • Laamaha ayaa mas’uul ka ah hirgelinta barnaamijyada madasha ee heer degaan iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada ee gaarka ah.

5. Shabakadda Mutadawiciinta

  • SIF waxay leedahay shabakad mutadawiciin ah oo ka qayb qaata qaban-qaabinta dhacdooyinka, ololayaasha wacyigelinta, iyo taageeridda mashaariicda kale ee muhiimka ah.

Warbixin iyo Isla Xisaabtan

  • Khadadka Warbixinta: Dhammaan madaxa waaxyaha waxay u warbixiyaan Agaasimaha Fulinta, kaasoo isna u warbixiya Guddoomiyaha iyo Guddiga La-talinta.
  • Isla Xisaabtan: Waxaa si joogto ah loo sameeyaa dib u eegis iyo warbixinno si loo hubiyo hufnaanta iyo ku dhaqanka hadafyada madasha.

Qaab-dhismeedkan wuxuu xaqiijinayaa hufnaan, wada-shaqeyn, iyo hirgelinta taas oo  waafaqsan hadafyada iyo aragtida Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee heer dowlad, gobol iyo caalamka.