Af-Soomaali
English
Dhisida Aqoonta
Awood-siinta Bulshada
Dhiirrigelinta Isbeddelka
Marti-gelin dood-wadaagyo, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo shirar si loo hormariyo is-weydaarsiga aqoonta.
U doodida siyaasado kor u qaadayo waxbarashada, sinnaanta shaqo, iyo isku-dhafka bulshada.
Daabicidda cilmi-baarisyo, maqaalada, iyo warbixinno ka hadlaya arrimaha muhiimka ah ee bulshada.
Bixinta deeqo waxbarasho, hagid, iyo taageero loogu talagalay dhallinyarada iyo hoggaamiyeyaasha soo koraya.

Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed – Xarun lagu kobciyo aqoonta, wada-shaqeynta, iyo saameynta bulshada.

Ku soo biir bulsho aqoonyahanno ah oo u heellan wadista isbeddelka iyo qaabeynta mustaqbalka.

Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed waa albaabka hal-abuurka, aqoon is-weedaarsi, iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka. Iyada oo la adeegsanayo isku-dhafnaanta iyo awood-siinta/qeybsiga, waxaanu isu keennaa hoggaamiyeyaal fikir wadaag leh, xirfadlayaal, iyo bulshooyin si loo abuuro xal wax-ku-ool ah oo lagu wajaho caqabadaha maanta jira. Ka bogo barnaamijyadeenna, ku soo biir mashaariicdayada kala duwan, oo ka mid noqo dhaqdhaqaaq isbadal ku sameeya mustaqbalka.

bground
Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed waxay ka shaqeysaa isbeddel wax-ku-ool ah iyadoo la adeegsanayo barnaamijyo waxtar leh.

Barnaamijyadayada Muhiimka ah:

  • Shirarka Sanadlaha ah: Soo bandhigida aqoonyahannada iyo xirfadlayaasha si loo gorfeeyo arrimaha muhiimka ah.
  • Barnaamijka Haweenka: Dhiirrigelinta sinnaanta xaga shaqo/khibrad iyo fursadaha hoggaamineed ee haweenka.
  • Horumarinta Dhallinyarada: Tababaro iyo la-talin dhallinyarada hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.
  • Doodaha Bulshada: Fududeynta fagaareyaasha dadweynaha si looga hadlo caqabadaha goboleed iyo kuwa caalami ah.
  • Ololaha Ilaalinta Dhaqanka: Dabaaldegga iyo kaydinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
  • Taageerada Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka: Bixinta deeqo iyo fursado fellowship ah oo loogu talagalay fikradaha wax ka beddelaya bulshada.


world
abt_bg
Maskax wax Dhiirrigelinaysa, Bulshooyin isbedel keenaya

Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed waa madal ama xarun aqooneed, hal-abuurnimo leh, iyo iskaashi wada jir ah. Anagoo kor u qaadeyna waxbarashada, cilmi-baarista, iyo wada shaqeyn isku-dhaf ah, waxaan hiigsaneynaa inaan awood-siino bulshooyinka iyo shakhsiyaadka si ay uga gudbaan caqabadaha iyo in ay helaan fursadaha banaan. Sahami hindisooyinkeena, ka mid noqo hogaamiyeyaasha isku afkaarta aad tihiin, oo ka qayb qaado dhaqdhaqaaqyada u taagan ama u jiheystey dhanka horumarka.

Awood-siinta Dumarka, Taageeridda Isbeddel wax tar leh

Waxaan u taaganahey horumarinta sinnaanta shaqo iyo awood-siinta dumarka ee dhanka hoggaaminta, waxbarashada, iyo meelaha kale. Madasha Aqoonyahannada Soomaaliyeed wuxuu aaminsan yahay in dumarku yihiin kuwa muhiim u ah dhanka horumarka iyo u horseedida isbeddel wax ku ool ah. Anagoo adeegsanayna barnaamijyo gaar ah iyo u ololeynta, waxaan u dadaaleynaa in aan abuurno fursado ay dumarku ku hoggaamin karaan, dhiirrigelin karaan, isla markaana saameyn waarta ku yeelan karaan bulsha-weynta.